Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxaa haatan laga soo sheegayaa abaar saameysay dadka iyo duunyada, iyadoo Magaalooyinka qaar laga soo soo sheegayo in dadka qaar ay u dhinteen haraad iyo gaajo kadib markii ay waayeen waxa ay quuteen.
Magaalooyinka ku yaala Gobolada Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ay si weyn u saameysay, 48-saac aynu soo dhaafnay tira koob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in deeganadaas ay ku dhinteen 110-ruux oo oo isku jira Caruur iyo dad da’ ah kadib markii au waayeen wax ay cunaan.
Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu waramaya in abaarta ay saameyn ay ku yeelatay ilamarkaana dadka qaar ay u dhimayaan cuno, la’aan iyagoo safar ah ayaa dadka la soo sheegayaa in ay ku dhimanayaa deeganada Maamulka Galmudug.
Dadka qaar waxaa sameeyay cudurka shubin biyoodka oo ka dilaacay deeganada Maamulada Gobolada dalka.




