Ururka Midowga Afrika oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa si diiran usoo dhaweeyay sida Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare ay codka kalsoonida u siiyeen maalintii arbacada aheyd Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan cali Kheyre.
Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Africa, ahna Madaxa AMISOM oo warsaxaafeed kasoo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay inay xukuumadda cusub kala shaqeyn doonaan la dagaalanka Al-Shabaab, amni darrada iyo musuq-maasuqa.
“Midowga Africa iyo AMISOM waxay kalsooni buuxda ku qabaan awooda iyo kartida Ra’iisul wasaaraha cusub inuu gaarsiin karo dalka horumar la taaban karo, sidoo kalena wax ka qaban karo amni la’aanta iyo musuq-maasuqa,” .ayuu Francisco Madeira.
Sidoo kale Francisco Madeira oo ah wakiilka Midowga Africa, ahna Madaxa AMISOM waxa uu sheegay in Raisulwasaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre uu aqoon u leeyahay arrimaha biniaadanimada islamarkaana ay rajeynayaan in uu wax badan ku guuleysto mudada uu xilka hayo.

