Madaxweynihii Hore oo Loo Dhaariyay Xubnimada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Goordhaweyd loo dhaariyay xubnimada Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha shacabka Baarlamanaka Federaalka Soomaliya, si waafaqsan dastuurka dalka qodobka 64aad.

Kalfadhiga Koowaad kulankiisa Labaad oo haatan ka socda xarunta golaha shacabka ayaa lagu dhaariyay Madaxweynaaha Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo afartii sano aynu soo dhaafnay xilka hayay.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonay Xildhibaan illaa inta uu nool yahay, waxaa uu noqonayaa Xildhibaanka 276aad.
Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad (page 19) oo ogolaanaya in “qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan.

Waxaa uu dheeraad ku yahay tirada Xildhibaanada golaha shacabka, maadaama uu yahay Madaxweyne lagu soo doortay Dastuur KMG ah, isla markaana soo hoggaamiyay dowlad rasmi ah.

Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dalka ku nagaado oo uu sii joogo, lama oga inuu kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya toos uga qeyb qaadan doono iyo in kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here