Cumar C/rashiid oo La Sheegay in uu Wax Ka Ogaa Heshiiska Saldhiga Milatari ee Berbera

0

Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Somali-land oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu wax ka ogaa heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Somali-land ee Saldhiga Magaalada berbera.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas Cumar C/rashiid wax ka Ogaa islamarkaana waxba aysan soo kordhin doonin hadalka Madaxweynhaa Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) oo ahaa in ay joojin doonaan heshiiska Dowladda imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Somali-land ee Saldhiga Malatari ee Magaalada berbera.

“Warar sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiin se waxaanu iska garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa bay ahayd, maahana wax Dawladda Xamar aanay ka war hayn,ee yaan dadka been loo sheegin”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here