Kenya oo Shaacisay Magacyadda 3-macalin oo Al-shabaab Ay Afduubteen

0

Dowladda Kenya ayaa shaacisay Magacyadda 3-macalin oo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay kasoo afduubteen deegaanka Hagadera oo ka tirsan Dhadhaab ee Gobolka waqooyi beri ee dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in 3-macalin ay ula soo dhaqaaqeen dhanka gudaha dalka Soomaliya, islamarkaana lagu hayo haatan.

Dowlada Kenya ayaa goordhow shaacisay magacyada Seddexda Macalimiin ee la afduubtay kuwaa oo lagu kala magacaabo Isaac Mwangi, Alfred Mwangangi iyo Isaac Kaniu. Macalimiinta waxaa laga afduubtay Udha Academy, waxaa kaloo la sheegayaa in Sadex macalin kale ay ka dhuunteen ragga hubeysnaa ee afduubka geystay.

Isku duwaha Arimaha Amniga ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Maxamuud Saalax oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ku raad joogaan ragii afduubka u geystay macalimiinta islamarkaana gacanta lagu so dhigi doono.

Dhanka kale Waalidiinta Macalimiinta oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay ugu hanjabeen in madaxyadda ay ka goyn doonaan, hadii aysan bixin lacago ay usoo bandhigeen in laga bixiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here