Kalfadhiga kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho caasimada Soomaliya gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka.
Furitaanka ayaa waxaa ka qeybagalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi maxamed(farmaajo) guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi ,Ra’iisulwasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan iyo inta badan ee xubnaha labada aqal ee Baarlamanka Soomaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi maxamed(farmaajo) ayaa lagu wadaa in uu furitaanka kalfadhiga kowaad Baarlamanka tobanaad ee golaha shacabka ka jeediyo khudad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono wax qabadka dowladda Soomaaliya iyo arimaha u qorsheysan in ay wax ka qabato afarta sano ee soo socota.
Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu horeeyay golaha shacabka iyo aqalka sare.
Kalfadhigan maanta sida uu qorshuhu yahay furmi doona waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu codka kalsoonida siiyo Ra’iisulwasaaraha magacaaban xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

