Inta la xaqiijiyay 2-ruux ayaa ku dhimatay,2-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii duhurnimadii maanta qaraxa gaari lagu xiray uu ka dhacay xaafadda Zeeno oo u dhaxaysa Dabaakayo Madow iyo dabakaayo Cagaar Degmada Dherkinley ee Gobolka Banaadir.
Qof kamid ah dadkii ku sugnaa goob aan sidaas ugu fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa idaacadda Simba u xaqiijisay in qaraxa uu ku xirnaa gaari kuwa Raaxadda ah, islamarkaana la qarxiyay xili xaafadaas marayay.
Waxa ay sheegtay in gaariga ay saarnaayeen Labo ruux islamarkaana halkaas uu ku dhintay mid kamid ahaa, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 2-ruux oo haween ahaa oo meesha ka ak dhawaa.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay Macalin iskuul oo baro ka ahaa Halgan iskuul oo ku yaala degmadaas, waxaana magacaiisa lagu sheegay Macalin aadan Goomey.
Sida caadada aheyd waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo baaritaano aan cidna lagu soo qabanin ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

