Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in Madaxwaynaha Puntland ayaa Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu waji gabax kala kulmay siyaasiin uu doonayey in uu xukumadiisa ku soo daro ka dib markii ay diideen in ay ka mid noqdaan Golihiisa wasiirada taasi oo sababtay in uu dib u dhac ku yimaado isku shaan dhayntii la filayey malmahan in uu sameeyo.
Xubnaha diiday In ay kamid noqdaan Xukuumadda Cusub ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan doonayn in ka mid noqdaan xukumadda madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas oo dhinac walba kaga fashilantay howlihii loo igmaday.
Dhinaca kale xogaha Laga helayo Madaxtoyada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in madaxwaynuhu dhawaan u dhoofi doono dalka isutaga imaaraadka Carabata isagoo aan wax isbadal ah aan ku samayn xukumadiisa.

