Gudoomiyaha Gobolka:-Waddo Walba oo Muhiim ah Waa in Laga Qaado Waxyaabaha Lagu Jaray’,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta warbaahinta shir jaraaid u qabtay ayaa ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay furaan dhammaan waddooyinka loo xirey doorashooyinka iyo sidoo kale caleema saarkii madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in wadooyinka loo xiray markii hore arrimo amniga ku saabsan maadaama dalka doorasho ku jirey, waxaana uu sheegay in meel walbo oo xiran looga baahan yahay guddoomiyeyaasha iney furaan.

“Waxaan ogsoonahay xilliyadii doorashada lagu jirey amniga dartiis meello badan ayaa loo xirey, waxaan leenahay waddo walba oo muhiim ah oo cad ama Laami ah in laga qaado waxyaabaha yaalla, maamul walbo oo degmo u baxaan iney xaafadahooda galaan oo ay qaadaan waxyaabaha shacabka ku dhibtoonayaan, laamiyadii xirnaa wey furan yihiin kuwa dhimanna waa la furayaa” ayuu yiri gudoomiye Madaale.

Marka laga soo tago hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaa jira wadooyinka ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir oo wali xiran kuwaasi oo aan la ogeyn sababaha ay u xiran yihiin.

Cod Kampala Guddoomiyaha Gobolka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here