War Deg Deg:-Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Iska Casilay Xilkii

0

War saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa lagu sheegay in Xasan Cali Kheyre oo ahaa agaasimaha Shirkadda Bariga qaarada afrika in uu iska casilay xilkii uu ka hayay shirkadda islamarkaana uu baabi’iyey saamigiisii shirkadaas.

Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in saami dhan 1.1% una dhigma laba milyan oo saami ku lahaa shirkada Soma Oil and Gas ee ka shaqeysa sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya, sida ku cad website-keeda.

Xasan Cali Kheyre Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya ayaa ah nin dhalinyaro ah oo 49-sano jir ah waxa uu lasoo shaqeeyay Hay’adda caalami ah oo qaramada Midoobay hoostaga, waxa uu sidoo kale ahaa shaqsi si dhow ula socday siyaasadda Soomaliya sanadihii aynu soo dhaafnay, isagoo xiriiro la lahaa Madaxweynayaashii Soomaliya soo maraya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here