Madaxweynaha Soomaliya oo Boqorka Sacuudiga kala Hadlay Xaaladda Soomaliya+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray wadanka Sacuudiga.

Waxaa si weyn u soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya eek u taala wadankaas iyo madax kale oo ka socota dowladda Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay boqorka wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu C/casiis, iyadoo Boqorku uu sheegay dowladda Sacuudiga inay Garab taagantahay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira kulamo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa inta ay ku suganyihiin Sacuudiga ay la yeelan doonaan Madax kale oo ka tirsan Wadankaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8-dii Bishaan lagu doortay Magaalada Muqdisho, iyadoo isla maanta inta uusan ka bixin Muqdisho uu R/wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here