Madaxweynaha dowladda soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxa uu ka warbixiyay marki ugu horeysay waxyaabaha gaar ah uu ku xushay ra’isul wasaaraha cusub iyo sida ay ugu suuragashay in xiligaani uu magacaabo ra’isul wasaare sood hisa xukumad cusub.
Farmaajo ayaa sheegay in ra’isul wasaarah cusub Xasan Cali Khayre Aqoontiisa, Kartidiisa iyo inuu yahay qof ay wada shaqeyn karaan dadka soomaaliyeed.
Madaxweyne farmaajo ayaa dhinaca kale ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya in ay ansixiyaan ra’isul wasaaraha cusub si hwoshiisa uu u guda galo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ka dalbaday ansixintiisa kadib in xukuumadiisa uu ku soo dhiso mudo ku siman 15 cisho.

