Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Saakay magacaabay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda soocota ee Soomaaliya.
Waxana magacaabista ra isulw asaaraha goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaankas oomaaliya maxamed sheikh cusmaan jawari.
Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’isul wasaaraha soomaaliya , ayaa ah nin dhallin yaro oow aqti badan qurbaha ku qatay.
Waxaa las heega in uu yahay maamuliii hore ee hay’adda NRC, Norwegian Refugee Council, isagoona dhashay 1968, waxa uu kamid ahaa madaxdii sare ee shirkaddii Somali oil.
Kooxda xiriirka iyo dabagalka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria ayaa ku eedeeysay in uu xiriir dhow la lahaa dhaqdhaqaaqa Alshabaab, Balse arintaasi kaga noqdeen, oo waa ay beeniyeen.
Mudooyinki danbe wuxuu ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas.

