War Deg Deg:-Qarax Xoogan oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Jowhar

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in qarax xoogan in uu ka dhacay gudaha Magaaladas.

Qaraxa oo ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray sida ay inoo sheegeen dad Magaaladaas ku sugan Xarun ay ku sugnaayen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaliya.

Jugta qaraxa bambada a ayaa si weyn loogu maqlay Magaalada jowhar, iyadoo qaraxa kadib sidoo kale la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacaysay halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada Amaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa goobta qaraxa ka dhacay gaaray, intaas kadib waxaa jiray baaritaano la sameeyay oo lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Jowhar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here