Maamulka Somali-land oo Dacwad Ka ah Laanta Afka Soomaliga ee Bbc-da+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo maanta shir jaraaid warbaahinta ugu qabtay Magaalada hargaysa ee Caasimada Somali-land ayaa sheegay in dacwad ay ka yihiin Laanta afka Soomaliga ee Bbc-da islamarkaana dacwad arintaas ku aadan ay u gudbin doonaan Madaxda ugu sareysa idaacadda.

Waxa uu sheegay wasiirka warfaafinta Somali-land in laanta afka Soomaliga eee Bbc-da ay mudooyinkii ugu dambeeyay caadeysatay waa siduu hadalka u dhigee ka hadalka arrimaha Xukuumadda Somali-land islamarkaana aysan ka hadlin hormarka ay gaarto.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid uu sheegay in todobaaadyadii ugu dambeeyay doodaha ay qabanaysay Laanta afka Soomaliga ee Bbc-da ay kaga hadlaysay arrimaha Dekadda Berbera iyo Saldhigada Somali-land iyo Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen islamarkaana doodadaas laga qeyb galinayay 3-qof oo kasoo jeeda Somaliya iyo 1-qof oo Somali-land ah.

Ugu dambeyntii Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid waxa uu ka ahdlay Wariyayaal ku xiran Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wariyaasha la xirxiray ay u badan yihiin kuwa waday kicin dadweyne dhawaan Maxkmadda lasoo taagi doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here