Banaanbax Loogu Soo Horjeedo Golaha Wasiirada Hir-shabeelle oo Ka Dhacaya Beledweyne

0

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay Banaanbax loogu soo horjeedo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maamulkaas Cali C/laaho Osoble.

Banaanbaxaan waxaa ku dhawaaqay ugaaska Xasan Ugaaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay sheegay in aysan aqbali doonin golaha wasiirada cusub ee Maamulka Hir-shabeelle ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweyne Osoble waxa uuna sheegay in Golaha wasiirada intooda badan laga soo xulay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa goor dhow ku dhowaaqay golaha wasiirada dowladiisa iyadoo laga sugayay muddo saddex bilood ah, Golaha wasiirada ee la magacaabay ayaa badankood waxa ay yihiin xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle waxana ay ka kooban yihiin 23 wasiir.6 wasiiru dowle iyo 23 wasiir ku xigeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here