Mulkiilaha Universal TV Eng Axmed Abukar ayaa duhurnimadii maanta laga siidaayay Xabsiga Magaalada Hargeysa, ee Caasimada Maamulka Somali-land oo xalay lagu xiray.
Abukar Mahdi oo ka tirsan Universal TV waxaa uu bartiisa Facebook ku sheegay in Somaliland oo aqbali weyday codsigii Madaxweyne maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, oo ahaa in Enjineerka lasii daayo, balse arinkaas uu maamulka ku gacan seeray islamarkaana uu aqbalay codsi kaga yimid madaxweynaha Kilinka 5-aad ee Itoobiya Cabdi maxamed Cumar uu la xiriiray maamulka Somaliland.

