Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Guri uu Daganyahay Masuul Ka Tirsan Hir-shabeelle

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in qarax xoogan in uu ka dhacay meel ku dhow Madaxyooyadda Maamulkaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in goobta lagu diyaarinayay islamarkaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle oo guri daganaa sida ay inoo sheegeen dad halkaas ku sugan.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal gabar oo kamid aheyd qoyska, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Gabar kale oo isla qoyska kamid aheyd.

Intaa kadib waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray guddoomiyaha Cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Shabeelaha Dhexe Xaayow.

ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here