Xiliga ay Dhacayso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo La Shaaciyay+Dhageyso

0

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib looo dhigay doorashadii Madaxweynaha maamulkaas islamarkaana dib laga soo sheegi doono goorta la qabanaayo doorashada.

Gudoomiye Xareed Cali Xareed ayaa tilmaamay in sababaha dib loogu dhigay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ay tahay isbadalka dalka ka dhacay islamarkaana la tashiyo kadib ay shaacin doonaan waqtiga la dooranayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Saakay ayaa lagu waday in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib markii sanadkii aynu soo dhaafnay Xildhibaano gaaraya 54-mudan ay go’aan ku gaareen in kalsoonida ay kala laabtaan Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, oo dhankiisa wali ku adkeysanaya in uu yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here