Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Saldhiga Maletari ee Dowladda Imaaraadka carabta ay ka hirgalinayso Magaalada Berbera ee Soomali-land iyo faaida ku jirta Saldhigyada dowladaha Shisheeye ay ka furanayaan qaarada afrika.
Lataliyaha dhanka dhaqaalaha ee madaxweynaha Jabuuti Dr Ismaciil Waceys oo warbaahinta kula hadlay magaalada Djabuuti ee Caasimada dalkaas ayaa ugu horeyn ka hadlay faa’idada dowladda Jabuuti ugu jirto ilaa 7 dal oo saldhigyo ka sameystay magaalada Jabuuti.
Waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay faaido weyn ku qabaan Saldhigyada badan ee dowladaha Dunida ay ku Furteen Magaalada Djabuuti islamarkaana uu leeyahay faaido iyo qasaaro.
Waxa uu sheegay Lataliyaha dhanka dhaqaalaha ee madaxweynaha Jabuuti Dr Ismaciil Waceys in loogu baahan yahay Xukuumadda Somali-land in ay la xisaabtan dhab ah la sameyso dowlada imaaraadka Carabta islamarkaana taasi hadey dhacdo in faaido badan laga helayo Saldhiga Malatari ee laga furayo Magaalada Berbera.

