Ala Ha u Naxariitee waxaa goordhaweyd weerar ka dhacday meel ku dhow isbitaalka Digfeer Degmada Hodan ee Magaalada muqdisho waxaa ku dhintay afhayeenkii Hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Mohamed Omar Hagafey.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mohamed Omar Hagafey oo horey usoo noqday afhayeenkii Mamulka Ximin iyo Xeeb in lagu weeraray meel u dhaxaysa isbitaalka Digfeer iyo isgoyska Tarbuunka ee Magaalada muqdisho islamarkaana halkaas lagu qaarijiyay.
Hagafeey ayaa horay u soo noqday afhayeenkii maamulka ximin iyo xeeb ee fadhigiisu ahaa degmadda Cadaado ee Galgaduud , mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaan lagu dilay mas’uulka.

