Kadib Markii Shalay Qarax qasaare geystay uu ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne gaar ahaan deegaanka Gambar-laawe ayaa waxaa ciidanka dowladda soomaaliya ay howlgal wixii intaa ka dambeeyey ay ka wadeen xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne iyo agagaarka tuulada uu qaraxu ka dhacay.
Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii ka dambeeyey qaraxii shalay dhacay oo lala eegtay ciidanka Macawiisleyda loo yaqaanno eek u sugnaa deegaanka Gambar-laawe.
Taliye-ku-xigeenka Saldhigga Booliska Magaalada Baladweyne Nuur Xasan Bidaar ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in ciidanku ay howlgal ay sameeyeen kadib ay ku guuleysteen inay soo qabtaan 2-ruux oo ka mid ah dadkii ka dambeeyey qaraxa haddana ay ku xiranyihiin saldhigga weyn ee Baladweyne kuwaasi oo uu sheegay in dhawr mar oo maalmahaana lagu arkayey iyagoo ku noq-noqnaya deegaanka Qaraxu uu ka dhacay.
Ma jirto cid ka madax-banaan Saraakiisha Saldhigga Booliska Baladweyn oo xajiisay in raggan ay qabteen ay ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne.

