Dhageyso:- Sida ay Maanta U Dhacday Munaasabadda uu Xafiiska Kula Wareegay Madaxweyne Farmaajo

0

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa waxa uu maanta si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya,.

Munaasabada ka dhacday Xarunta Villa Somaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo xilkaasi uu kula wareegay, kadib markii Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka wareejiyay.

Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya, waxaana la tusay Saxaafadda, iyadoo qalabkaasi ay ka mid ahaayeen agab ka sameysan Dahab iyo Qalin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maanta inuu si rasmi ah u wareejiyo xilka Villa Somaliya, wuxuuna sheegay Somaliya inuu u baryay waa cusub, islamarkaana dalka uu galaayo horay u socod.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here