War Deg Deg:-Wariye u Dhaqdhaqaaqa Dadka Dhibaataysan oo Hargeysa Lagu Xiray

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijinaya in garoonka Diyaaradaha Magaaladaas lagu xiray Goordhaweyd Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo malmahan kusugnaa Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya unau yimi taageerada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ciidaamda amaanka garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay wariyaha waxaa naloo xaqiijiyay in haatan lagu xiray Saldhiga Magaaladaas, islamarkaana su’aalo lagu weydiinayo.

Dhanka kale Degmada Burco oo Gobolka Togdheer waxaa maanta lagu xiray labo Abwaan oo dhawaan soo bandhigay gabayo ay ku amaanayeen Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya maxamed C/laahi Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here