Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Danab oo Isaga Baxay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

0

Ciidamada Maamulka Goboleedka Galmudug iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa maanta isaga baxay deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug, oo labadii maalin aynu soo dhaafnay ay ku sugnaayeen.

Ciidamadaan ayaa la kulmay labadii maalin ay deegaankaas ku sugnaayeen weeraro xoogan oo kaga yimaaday dhanka dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Ceel-cabdi ee u dhaxeeya deeganada Caad iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada Maamulka Goboleedka Galmudug iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa ka baxay Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud qorshahooda waxa uu ahaa la wareegitaanka degmada Xarardheere oo Al-shabaab ay ku xoogan yihiin.

Guddoomiyaha Degmada Cammaara Yuusuf Salaad ayaa ka dhawaajiyey inay laabashada ciidamadaan sabab u tahay inaan lagala tashan iyaga oo ah maamulka Degmada taasina ay keentay inay dagaalka ku fashilmaan.

Guddoomiyaha oo la hadlayey saxaafadda ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidamadaan ay dib isaga baxeyn magaalada Duhurnimadii maanta isla markaasna wuxuu caddeeyey inay u dhaqaaqeen xaggaas iyo Hobyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here