Ala ha U Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Saciid Xasan Geedi oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya.
Xildhibaanka ayaa mudooyinkii dambe jiifay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho oo uu ku xanuusanayay, Saciid Xasan Geedi ayaa Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya kasoo galay deeganada Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Saciid Xasan Geedi ayaan ka qeyb galin doorashadii Madaxweynaha oo arbacadii aynu soo dhaafnay ka dhacday Magaalada Muqdisho, kadib markii Guddoonka Golaha shacabka uu sheegay in Xildhibaanka uu Xanuunsan yahay.
Aas qaran ayaa maanta loogu sameynayaa Magaalada Muqdisho,waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyay guddoonka golaha shacabka iyo aqalka Sare.

