Galmudug oo Ku eedeysay Waxqabasho La’aan Guddiga Dib u Heshiisiinta Gaalkayco (Dhageyso)

0

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeyay Gudiga Dib u heshiisiinta gaalkacyo in waxbadan aysan ka qaban xaalada magaalada islamarkaana shaqadi loo igmaday ay ka gaabiyeen.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa magaalada gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in xiligaan howl badan oo ay qabteen guddiga dib u heshiisiinta aysan jirin arintaana ka maamul ahan ay niyad jab ku dhalisay.

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in xaalada magaalada gaalkacyo haatan sida ay tahay si ka duwan loo baahna in ay ahaato shaqadaasna ay qabtaan guddiga dib u heshiisiinta balse ay ka gaabiyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here