Dhalinyaro Laga Soo Musaafuriyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland+Sawirro

0

Maamulka Puntland ayaa dib usoo celiyay dad doonayay in ay ka tahriibaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo dad la garan waayay kuwaasi oo mudooyinkii dambe ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Dadka lasoo celiyay ayaa u badan dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso 15 jir illaa iyo 30 jir, waxaa lagu qabtay kantaroolada magaalada Garowe Caasimada Maamulka Puntland, iyagoo si sharci darro ah ku galay dhulka deeganada Maamulka Puntland, waxaana kadib lagu sameeyay baaritaan xoogan.

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in dhalinyaradaan dib loogu soo celinaayo Magaalooyinkii ay ka yimaadeen ee koonfurta dalka Soomaliya, waxaa digniino loo jeediyay dadka doonaya in ay ka tahriibaan deeganada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here