Guddi Ka Shaqeeya Calaama-saarka Madaxweyne Farmaajo oo Lagu Dhawaaqayo

0

Ilo xog ogaal ah oo u waramay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in haatan lagu mashquulsan yahay sidii loo magacaabi lahaa guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya calaama-saarka Madaxweynha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guddii la magacaabayo ayaa isugu jiri doona Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Saraakiisha Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Mr Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalinta ay dhaceyso Caleema saarka oo lagu wado inay ka soo qeyb galaan Madax Caalami ah.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la dejiyay Hotelka Jazeera, halkaasoo aheyd halkii la dejiyay 4 sano ka hor Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas ku xilka ku guuleystay,Ammaanka Hotelka ayaa waxaa la wareegay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isugu jira ciidanka Gaashaan ee Nabadsugida Qaranka iyo Ciidamada Danab ee Kumaandoorka Xoogga dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here