Dr C/naasir Cabdule oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha La Doortay ee Farmaajo+Dhageyso

0

Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed oo kamid ahaa musharixiintii sanadkaan isku sharxay xilka madaxweynaha Soomaliya oo maanta shir jaraaid ku qabtay hoyga uu dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr arimoood oo ku aadan doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyntii Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo xalay ku guuleystay xilka Madaxweynaha Somaliya, wuxuu ilaahey ugu baryay in uu xilka ku guuleeyo afarta sano ee soo socota, wuxuuna intaas ku daray in madaxweynaha Cusub loogu baahan yahay in uu ka dhabeeyo rabitaanka shacabka Soomaliyeed, iyo hadafkiisa siyaasadeed.

Sidoo kale Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay sidii Madaxweynihi hore ee Somaaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud u wareejiyay xilka Madaxtinimada Somaliya kadib markii wareegii Labaad uu codod badan helay Maxamed C/laahi Farmaajo, inkastoo wareeg seddexaad la gali lahaa.

Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay sida Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare ay u garteen in dalka Soomaliya u baahan yahay Hogaan Cusub, ayna u doorteen Maxamed C/laahi Farmaajo.

Idaacadda Simba ayaa weydiisay Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed in xisbiga Gurmad uu Talada dalka ka qeyb qaadanaya, wuxuu shaaciyay in rajo wanaagsan ay jirto uuna kamid ah xisbigiisa xisbiyada doonaya in dalka ay wax u qabtaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here