Al-shabaab oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ugu Magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay maanta deegaanka hoos yimaada degmada Mahadaay ee Gobolkaas oo lagu magacaabo Miirtaqwo.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba kutukade oo ah Mas’uulka xarakada Al Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaankaas qasaaro lagu gaarsiiyay waa siduu hadalka u dhigee Ciidamada Brundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM.

Sheekh Yuusuf Kabo Ku Dukade Mas’uulka xarakada Al Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa xusay in weeraro dhowr ah oo labadii todobaad ee u dambeeysay ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada dhexe ciidamada Burundi looga gubay illaa 8 gaari oo ah kuwa dagaalka.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaliya oo loogu hadlaayo dagaalkiii xooganaa ee maanta ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here