Wakiilka Qaramada midoobe ee Soomaaliya ayaa ka digay dhibaatooyin ba’an oo ay sababto abaarta ku dhufatay gudaha dalka Soomaaliya:
Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadan nimada Peter de Clercq ayaa sheegay in xaaladaha bini maadanimo ee ka dhashay abaaraha ay yihiin kuwo sii xumaanaya taa oo ka dambeesay abaaraha baahsan ee ku dhufatay guud ahaan dalka.
Sidoo kale Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee soomaaliya u qaabilsan arimaha bini’aadan nimada Peter de Clercq ayaa booqasho ku tagay deeganada Maamulka Somali-land iyo Puntland waxa uu soo indha indheeyay xaladihii ugu dambeeyay ee abaarta.

