Labo Xildhibaan oo Goordhaweyd Lagu Dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka

0

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhaweyd lagu dhaariyay Labo Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanadii Shanta ahaa ee dhawaan dib loo doortay, kadib markii guddiga doorashooyinka ay laaleen doorashooyinkii ay kusoo baxeyn.

Labada Xildhibaan ee Maanta la dhaariyay ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaliya oo shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho iyo Xildhibaan Sheekh Shaacir oo lagu soo doortay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kadib markii doorashadooda dib loogu celiyay.

Kulanka Baarlamaanka oo ka socda Muqdisho, ayaa Xildhibaanada waxa ay dhageysanayaan Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta xilka Madaxtinimada dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here