Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Taliyihii Booliska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir maanta laga qaaday xilkii uu hayey islamarkaana laguna xiray Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah Nabadoona Degmada Kaxda islamarkaana shalay ku dhaawacmay shaqaaqada lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Taliyaha Ciidamada booliska Degmada oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Taliyaha xilka la qaaday islamarkaana haatan uu ku xiran yahay Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Shalay ayay aheyd markii iska Hor imaad xoogan uu ka dhacay Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaa iska hor imadkaas ku dhaawacmay qaar kamid ah Nabadoona Degmada, iskastoo la xaqiijiyay in wax dhimasho ah jirin.

