Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Mushariixinta madaxweynaha Soomaliya iyo Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaliya ay xalay kulan ku qaateen Hoteelka Jaziiraee Magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay Arrimaha doorashada iyo sidii loo qaban lahaa dooda musharixiinta oo la shaaciyay dhawaan in la joojiyay.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubnaha ugu muhiinsan ee Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee dowladda Soomaliya iyo Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle.
Musharixiinta madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa ku wargaliyay Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale beyle in aysan doorashada ka qeyb gali doono hadaan la qabanin dooda Musharixiinta, islamarkaana aan laga qeyb galinin Saxaafadda Madaxa Banaan oo horaan loo diida.
Xubnaha kulmay ayaa ku heshiiyay in Dooda Musharixiinta Madaxweynaha la qabto 6-bishaan February oo ku beegan maalinta isniinta ah islamarkaana laga dhigo labo qeyb, isla maalintaasna lasoo gaba-gabeeyo.

