QM oo Ka Digtay in Al-shabaab ay Carqaladeeyaan Doorashada Madaxweynaha

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay  u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobay ugu warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya isaga oo sidoo kale ka hadlay doorashooyinki ugu dambeeyay ee lasoo gabagabeeyay kuwaa  oo uu  ku tilmaamay in ay tahay talaabo dhanka horumarka loo qaaday waxaana micheal keating uu xusay in doorashada ay kaqeyb qaateen beelaha kala duwan ee dalka Soomaaliya  oo dhamantood wadaagay doorashada sida : odiyaasha dhaqanka , siyaasiyiinta ,Ganacsatada, Muwaadiniinta caadi-ga  ah iyo waliba raga iyo dumarka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in musuq ka dhex jiray doorashooyinkii qabsoomay ay ahaayeen kuwo ay ka gaabiyeen hay’adaha dowlada kuwaa oo loo baahnaa in isla xisaabtan looga hortago lacagahaasi sharci darrada ahaa waxana uu sheegay in cabsi xoogan uu kaqabo in lamusuq maasuqo doorashada madaxtinimo.

Mr Keating ayaa kulanka ka sheegay in hanaanka doorashada ay ku soo dhameystiri doonaa baarlamaanka doorashada madaxtinimo muddo imika ay ka’harsan tahay in kayar labo asbuuc waxaa sidoo kale uu xusay in Xarakada Al shabaab ay carqaladeynayaan doorashada waxaana cadeyn uu u soo qaatay weeraradii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Waxa uu si weyn uga hadlay habsami socodka doorashada oo loo baahanyahay in ay ahaato mid cadaalad ah iyo in ay ku qabsaanto xeerar la’isku waafaqsan yahay taa oo ka madax banaan  wax musuq ah rajey-yayna in ay noqon doonto  mid xor ah oo xalaal ah.

Waxaa uu ugu dambeyntii tibaaxay in dadka Soomaalida iyo beesha caalamka rajo ay ka qabaan doorashada madaxtinimo iyadoo ay jiraan wal-wal lagu tuhmayo in uu ka dhasho doorashada kaa oo ah in codadka lagu shubtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here