Waaxda dambi baarista Dowladda Kenya war ay soo saartay ayay ku sheegtay in Al-shabaab ay maleegayaan weeraro qaraxyo u badan oo la doonayo in lagu qaado xarumo waxbarasho oo ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaas.
Sarkaal sare oo u hadlay Waaxda dambi baarista Dowladda Kenya ayaa sheegay in rag ka tirsan amniyaadka Xarakada Al-shabaab in ay haatan ku sugan yihiin Xaafadda Soomalida ay ku badan tahay ee Islii islamarkaana ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.
Digniinta kasoo baxday Waaxda dambi baarista Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in weerada oo qaraxyo u badan in ay fulin doonaan hablo oo haatan lagu diyaarinaayo Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.


