Al-shabaab Oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Degmada Baardheere

0

Wararka ay idaacadda simba ka heleyso magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay xaley weerar xoogan ku qaadeen Degmada Baardheere ee Gobolkaas.

Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray baardheere waxana mudo dagaal xoogan ay la galeen ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Dad goobjoogayaal ayaa idaacadda simba u sheegay in dagaalka dhinacyada uu u dhaxeeyay ay isku adeegsadeen hubka culus waxana daryanka madaafiicda laga maqlayay gudaha degmada Baardheere.

Lama ogo qasaaraha uud agaalka geystay balse al-shabaab waxa ay sheegeen in ciidamo badan in dagaalkaasi ay ku dileen.

Dhinaca kale maamulka degmada Baardheere oo ay idaacadda Simba la xariirtay waa ay ka gaabsadeen in faafaahino ay ka bixiyaan dagaalka xaley ka dhacay degmada baardheeree ee gobolka gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here