Rag Lagu Eedeeyay in ay u Basaasayeen Kenya, Mareykanka, oo Xukuno Dil ah Lagu Fuliyay

0

Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa Xukuno dil ah ku fulisay Rag  lagu eedeeyay in ay u basaasayeeen Dowladdaha Kenya, Mareykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fagaaraha weyn ee deegaanka Yaaq-Baraawe ee gobolka Baay ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay illaa iyo 3 ruux oo lagu helay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladda Mareykanka iyo dowladda federaalka Soomaliya.

Shaqsiyaadka Xukunada Lagu Fuliyay ayaa kala ahaa.

1-C/llaahi daamey Maxamed Nuur oo 36 sana jir waxay Shabaab ku eedeeyeen in uu ahaa mid la sheeya CIA-da Mareykanka wuxuu sheegay in ay shaqa geliyeen saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee duleedka degmada wallaweyn Shabeelaha Hoose.

Qalabka lagu hago diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha laheyn ayuu C/llaahi kasoo qaaday saraakiisha Mareykanka wuxuu doonayay in uu ku dhajiyo gaari uu lahaa sarkaal katirsan xarakada Al Shabaab balse qorshahaasi waa la fashiliay sida Shababa ay hadalka u dhigeen.

2-Max’med iimaan xasan oo 42 sana jir ah ayaa kamid ahaa raggii shalay ladilay ee lagu helay falka Basaasnimada ah  wuxuuna si gaar ah ula shaqeynayay PS-ta maamulka ‘Jubbaland’ wuxuu kala shaqeeyay sahanka jidadka mara duleedka magaalada Kismaayo iyo marka ciidanka Kenya ay qaadayaan duullaano ka dhan ah Al-shabaab, waxay Shabaab sheegeen  bil walba wuxuu mushaar ahaan u qaadanayay $150.

3-Maxamed shariif Cali 21 sana jir ah wuxuu ahaa basaas  u shaqeeya sirdoonada caalamiga ah ee ku sugan magaalada Kismaayo waxaa shaqa geliyay sarkaal katirsan maamulka Jubba-land, shaqada uu Jubba-land  u qaban jiray ayaa aheyd uruurinta macluumaadka ku aaddan soo gudbinta dhaq dhaqaaqyada ciidamada Xarakada Al Shabaab marka ay weerar ku qaadayaan Kismaayo ama saldhigyada ciidamada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here