Markab Lagu Soo Qariyay Hub oo Lagu Qabtay Dekadda Magaalada Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaaya in Ciidamada amaanka Maamulkaas Dekadda Magaaladaas ay ku qabteen Markab Ganacsiga oo lagu soo qariyay Hub.

Markabka ayaa marka uu kusoo xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo waxaa mas’uuliyaddiisa la wareegay Ciidamada maamulka Jubba-lnd oo horey ula socday in hubka noocyadiisa kala duwan in lagu soo qariyay markabka.

Markabka Ciidamada Maamulka Jubba-land ay gacanta ku dhigeen ee hubka lagu soo qariyay ayaa la sheegay in uu leeyahay Ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jamaal oo deeganada Maamulka Puntland kasoo jeeda.

Dhanka kale xiriiro aynu la sameeynay Mas’uuliyiinta Maamulkaas gaar ahaan wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Jubba-land  inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno si aan wax ugu weydiino arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here