Faah-faahin:-Dagaal Ka Socda Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhiil oo 30KM u jira Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda Soomaliya oo weerar qorshaysan ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya ay weerarka fuliyeen xilli ceelka biyaha deegaanka Dhiil ay Biyo ka dhaansanayeen Shabaab.

Ilaa haatan si dhab ah looma qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaankaas ee u dhaxeeya Ciidamada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here