Xiliga La Magacaabayo Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo La Shaaciyay

0

Guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa magaladda Muqdisho waxaa uu ku qaabiley guddoonka Aqalka sare ee dalka ayagoo ka wada  hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada Aqal  isla markaana ay u dhexmari lahayd  wad shaqayn ku dhisan  horumarinta midnimadda iyo  adkaynta qaranimo Soomaaliyeed.

Guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa  kulankoodu maanta wax ay isku afgarteen in maalinta beri ah  oo Talaado ah in la Magacaabo   guddiga  qaban qabada doorashadda madaxweynaha  Soomaaliya.

Guddiga  ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso  iyo  ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah  ee la qabanadda doorashadda madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here