Hay’adda Arrimaha gargaarka u qaabilsan dalka Qatar ee (QRSC) ayaa dalka soomaaliya u soo direysa wafdi qiimeeya xaalada bini’aadanimo ee ka jirta dalka s ay ugu jawaabaan abaaraha iyo dadka dhibanayaasha ah ee ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkayo kuwaa oo ay sheegtay in loo baahanyahay in ay helaan caawinaad caalami ah.
Hay’adan ayaa waxa ay sheegtay in ay fulin doonaan mashaaruucyo caafimaad iyo gargar loo fidiyo dadka abaaraha sida ba’an ay u saameeyeen.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya madaxa gar-gaarada bini aadanimo u qaabilsan dalka Qatar iyo waliba ku xigeenadiisa kuwaa oo ka’soo dhoofi doono magaalada Doha ee dalkaasi iyaga oo booqasho indha-indheyn ah saddex maalin u joogi doona dalka kuwaa oo la’sheegay sidoo kale in ay kulamo la’qaadan doonaan madaxda dadka deegaanka.
iyada oo la’sheegay in booqasho ay ku tagi doonaan isbitaalada,xerooyinka barakacayaasha, xafiisyada maamulada deegaanada si dadkaasi loo gaarsiiyo cunno,biyo iyo waliba gar-gaar caafimaad.
Hay’adaan ayaa waxa ay sheegtay in sidoo kale ay fulin doonaan barnaamij lagu hormarinayo deegaanadaasi waxaana ay qiimeyn dhab ah ku sameyn doonaan xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.

