War Deg Deg:-Hooyo Iibinaysay Dharka Loo Yaaqo Huudheyda oo Caawa La Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada yaaqshid Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysana y suuqa xaafadaas ay ku dileen hooyo Soomaliyeed oo lagu magacaabi jirey Aamino Maxamed axmed.

Hooyo Aamino Maxamed axmed, ayaa suuqa suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ku iibinaysay dharka loo yaqaano huudeyda waxayna raga hubeysana ay dileen xili ay  goobteeda ganacsiga ay xirtay.

Qofka kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay in raga hubeysan ay dileen hooyo Aamino Maxamed axmed, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen markii falka ka dhacay kadib.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa goobta gaaray sida caada ay aheyd waxayna sameeyeen baariyaano lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay falka lagu dilay Aamino Maxamed axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here