Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha ay ka dhasheen raggii dhawaan Gabadha ku kufsaday Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug oo maalmahaan kulansanaa ayaa soo saaray go’aano ama xukunada loo adeegsanayo dambiilayaasha falkaas ka dambeeyay.
Halkaan Hoose ka Aqriso Qodobada Kasoo Baxay Kulanka odoyaasha.
1-in Sharciga alle lagu qaado Ragga falkaasi ku kacay.
2-in dowladda Puntland Goobjoog ka noqoto Marka Xukunka la fulinayo
3-in mag la siiyo ehelka mid kamid ah ragii Gabadha kufsaday oo xiligii la qabanayay la dhaawacay
4-in Puntland ay diyaariso halka Xukunka lagu fulin doono.
Dhanka kale Wasaaradda Cadaaladda ee Maamulka Puntland ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono Lix dhalinyaro ah uu kufsi wadareed ugu geystay Gabar yar deegaanka Deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug ee Puntland.
Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Iyo Diinta Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in wasaaradda laga dalbaday in arinta kiiska Kufsiga ay galaan odoyaal dhaqameed balse ay kasoo horjeesteen ayaga.

