Wasiirka Warfaafinta Soomaliya oo Hambalyo u Diray Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo Dhan

0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa munaasabadda maalinta saxaafadda Soomaaliyeed aawadeed hambalyo u diray bahda saxaafadda Soomaaliyeed oo dhan.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Waxaan saxafiyiinta Soomaaliyeed uguhambalyeynayaa maalinta saxaafadda oo ku beegay 21 Junuary. Maanta oo kale 44 sano ka hor ayay ahayd markii uu soo baxay wargeyskii ugu horreeyay ee Af-soomaali lagu daabaco”

Wasiirka ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeryoodeen 3 saxafi oosanadkii tagay ee 2016, kooxaha nabad diidka ahi ku dileen Muqidhsho iyo Gaalkacyo.“Waxaan Eebbe ka baryeynaa in uu u naxariisto wariyeyayaashii Soomaaliyeed ee iyagoo bulshadooda u adeegaya ay kooxaha xag-jirka ahi dileen, waxaan tacsi u direynaa eheladii ay ka bexeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka ayaa tilmaamay in hoos u dhac uu ku yimid saxaafadda daabacan ee guud ahaan dalka, isagoo sheegay in ay dowladdu waddo qorsheyaal lagu

xoojinayo saxaafadda daabacan si kor loogu qaado awoodda qoraal iyo akhris ee bulshadeenna

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here