Shiikh aadan Siiro:-Saldhiga Laga Furayo Berbera Waa Mid Dhibaato Ku ah Somali-land+Dhageyso

0

Shiikh aadan Siiro oo kamid ah Culimada  Maamulka Somali-land ayaa Madaxda Maamulkaas  ugu baaqay in aysan ogalaanin wax dhibaato u keenayo jiritaanka Somali-land.

Shiikha oo ka hadlay Saldhiga Malatari uu Imaaraadka Carabta ka furanayo  Magaalada Berbera ayaa sheegay in hadii taasi ay dhacdo ay dhibaato ay kala kulmi karaan kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaala dalka yemen.

“Somali-land waa Hadaf, dad yar ayaynu nahay, way naga badan yihiin dhaqaalaha aan haysano, dhaqliga aynu haysano iyo tirade aan haysano way kala badan yihiin , waxaa la la’yahay madax maamusha, hadii la ogolaado in imaaraadka uu Saldhig ku furto magaalada barbera waxaa dagaal noogu imaan doono kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka yemen, yaanan burbur loo hor seedin Somali-land”, ayuu yiri.

Dhawaan Madax ka  kala socotay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somali-land ayaa heshiis ku gaaray Magaalada Hargeysa kaasi oo dhigayay in Imaaraadka uu Saldhig Malatari ku furto Magaalada Barbera ee Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here