Saynab Maxamed Cali oo ah Hooyada Dhashay Cali Ibraahin oo mid ah Tiro dhalinyaro Soomali ah oo gacanta ugu jira kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee ka ganacsada tahriibinka Sharci darada ah ee dadka ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka Codsatay in garab lagu siiyo Siidii Wiilkeed lagaga siidayn lahaa gacanta Kooxdaas oo ku haysta Gudaha Wadanka Liibiya.
Hooyo Saynab oo ku jirta Walwal Xoogan ayaa Waraysi ay siisay Idaacada VOA waxa ku Sheegay in Wiilkeed uu mudo gacanta ugu jiro Kooxaha ganacsada Taariibinta dadka in Dhibaatooyinka kala Duwan loo geystay oo ay ka mid yihiin Dhaawacyo Culus.
Saynab Maxamed Cali oo sii hadlay ayaa Sheegay Kooxaha magafayaasha inay ku Amreen inay Bixiso lacag gaaraysa Todobo kun iyo Shan Boqol oo Doollar ah ($7,500) hadii lacagtaas si deg deg ah ushubi weydana ay qali doonaan Wiilkeeda.
Hooyada Dhashay Cali Ibraahin oo ah Wiil 20-sano jir ah oo hada gacanta ugu jira magafayasha ayaa ku nool xeryaha barakacayaasha ee ku yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari halkaas oo ay ku heysato Xaalad Adag waxaan ku sugan tahay Walwal iyo Murugo joogto ah Maadaama Waqti Walba ay soo gaaraan fariimo hanjabaad ah oo ku aadan in Wiilkeeda la qali doono islamaraan laga Bixi Doono Xubnaha Jirkiisa ugu Muhiimsan.

