Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya Mr. Barack Obama, ayaa maalmihii ugu dambeeyey ee hoggaanka dalka uu ka degayo ku kacay falal aad u soo jiitay dadweynaha Maraykanka
Falalkan oo ay ka mid yihiin inuu ka mid noqday milxiis (caawiyayaasha) nin ka mid ah shaqaalahiisa oo arootay.
Agaasimaha Safaradda ee Aqalka Cad iyo Caawiyaha Gaarka ah ee Madaxtooyada Mr. Marvin Nicholson, ayaa guursaday gabar uu aad u jeclaa maalinimadii shalay aheyd.
Waxana sawirrada iyo muuqaallada laga qaaday muujiyeen Madaxweyne Obama oo ka mid ah milxiisiinta caawiyaha u ahaa ninkan,Madaxweyne Obama ayaa soo gaaray madaarka Jacksonville markii xafladdu bilaabantay, kadib markii uu soo dhammaystay casuumad uu lahaa.
Waxa muuqaallada iyo sawirradu sidoo kale muujiyeen Madaxweynaha oo dhegta wax ugu sheegaaya, isla markaana aad ugu dhaw ninka arooska ah, waxaa kale oo uu galay safka loogu talagalay milxiisiinta arooska.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa baahiyey xafladdan, isagoo sheegay in adduunku u xiisi doono Obama, maadaama uu ahaa nin aan isla weynayn oo dadka u ku dhexjira.

