Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Sheegay in hakad lagaliyey Howlgalka la Dagaalanka Al-shabaab ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ay ka tirsan Deegaanada Gobalkaasi oo Dhaca Bartamaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali jeyte Cusmaan oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la hakiyey Dagaalka Al-shabaab looga Saareyo Deegaanada Gobalka Hiiraan Sababo la Xiriira Abaarta Xoogan ee Xilgaalka ka Jirta deegaanada Gobalkaasi Xaaladdooda laga darinayo.
Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in Gobalka ay ku soo barakaceen dad faro badan oo kala yimid Gobalada Waqooyi ee Soomaaliland, Puntland iyo Galmudug kuwaas oo maciin biday Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo hada u baahan in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo maadaama Xaalada Abaartu ay marayso Heerkii ugu xumaa.

